Maamulka Wajeer oo howlgeliyey 200 oo shaqaale caafimaad ah

Wajir county, Kenya

In ka badan 200 oo dhaqaatiir iyo hawlwadeenno caafimaadka ah ayaa maamulka Wajeer uu shaqo galiyay xilli dalka Kenya ay ka socdaan baanaan-baxyo ka dhashay shaqo la’aan iyo maciishadda dalkaas oo kor u kacaday.

Dhanka kale, maamulka Gaarisa ayaa shaaciyey in aysan jirin fursado lagu shaqaaleynayo boqolaal dhallinyaro oo Jaamacadaha Kenya ka soo baxay, halka in ka badan 3,500 oo shaqaale oo sanadkii 2021 shaqada laga joojiyay ay dacwadooda ka socoto Maxkamadda Racfaanka ee Dalka Kenya.

Warbixintan waxaa soo diray Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Maamulka Wajeer oo howlgeliyey 200 oo shaqaale caafimaad ah