Fallanqeyn ku saabsan isku daygii dil ee ka dhanka ahaa Trump

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinkii danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib markii uu qof hubeysan rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania.

FBI-da ayaa ku sheegtay Matthew Crooks oo 20 jir ah inuu yahay "qofka looga shakisan yahay” isku daygii dil ee Sabtidii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo ahaa mid ka mid ah falalkii ugu caansanaa ee rabshado siyaasadeed ee Mareykanka ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sida ay wax u dhaceen iyo wax ay ka dhigan tahay ka wareystay madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow oo si dhow ula socda siyaasadda Mareykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Fallanqeyn ku saabsan isku daygii dil ee ka dhanka ahaa Trump