Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Muqdisho

Qaraxa maqaayadda Top Coffee

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay, in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen, 20 kalana ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay bannaanka maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay baabuur ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda agteeda.

Maqaayadda, ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa dhalinyaro badan oo daawanay ciyaarti finalka Koobka Qaramada Yurub, sida ay VOA-da u xaqiijiyeen ilo dhinaca amniga ah.

Haddaba wariyaheenna magaalada Muqdisho Cabdicasiis Barrow oo faahfaahinta qaraxa aan ka waraystay ayaan marka hore weydiiyay sidey wax u dhaceen.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Muqdisho