Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa 16 sano oo ciqaab xabsi adag ah ku xakuntay Evan Gershkovich oo ah wariye u dhashay dalkan Mareykanka, kaddib marki ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbi basaasnimo.
Wargeyska uu wariyahan u shaqeeyo ee Wall Street Journal, ayaa xakunka maxkamaddan ku sheegay ceyb iyo xakun been abuur ah.
Gershkovich, oo ah 32 jir ayaa sheegay inuusan danbi galin. Maxkamadeyntiisa ayaa ka dhacday Yekaterinburg bishi hore, kaddib marki lagu eedeeyay in uu isku dayay inuu xog xasaasi ah ka helo warshad soo saarto taangiyada.
Wuxuu noqay wariyihi ugu horreeyay oo Mareykan ah oo lagu eedeeyo inuu falal jaasuusnimo ah ka waday Ruushka, tan iyo dagaalki qaboobaa. Bishii March ee sannadki 2023-ki ayaa lagu xiray magaalada Moscow.