Biden oo soo jeediyey in dib u habayn lagu sameeyo maxkamadda sare ee Maraykanka

President Joe Biden speaks at an event commemorating the 60th anniversary of the Civil Rights Act, July 29, 2024, at the LBJ Presidential Library in Austin, Texas.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa isniintii soo jeediyay isbedelo waaweyn oo lagu sameeyo Maxkamadda Sare ee Mareykanka, gaar ahaan in loo sameeyo xeer anshaxeed la dhaqan gelin karo, xaddidaadda muddada garsoorayaasha iyo qodobo kale.

Marka la eego xaaladda doorashada ee lagu jiro iyo xisbigiisa oo aan haysanin codad ku filan oo uu ku meel mariyo ajandahan, ayaa arrintani waxay u muuqataa mid aan fursad badan haysanin, inay meel marto, hase ahaatee arrintan ayaa noqonaysa mawduuc ay dadweynuhu ka doodaan.

Tallaabadan madaxweyne Biden ayaa ku soo beegmaysa xilli ay halkii ugu hoosaysay marayso kalsoonida lagu qabo garsoorka maxkamadda sare, ka dib markii banaanka yimaaddeen arrimo taabanaya anshaxa iyo hufnaanta qaar ka mida garsoorayaasha maxkamadda sare.

Madaxweyne Biden ayaa soo jeediyey in garsoorayaasha maxkamadda sare, muddada xil hayntooda in lagu soo koobo muddo 18 sannadood ah, halka ay haatan ka tahay inuu qofku xafiiska joogayo, illaa uu ka geeriyoodo ama duruufo kale ka kexeeyaan.

Hase ahaatee caqabadda ugu weyn ee hortaagan madaxweynaha ayaa ah, in dastuurku uu si rasmi ah u sheegayo in garsoorayaasha heer federaal inay joogaan, illaa inta ay nool yihiin, haddii aan duruufo kale ka kaxaynin.

AP