Israa’iil ayaa Talaadadi shalay sheegtay in weerar naadir ah ay ku qaaday Beyruut, kaasoo ay sheegtay inay ku dishay taliye sare oo ka tirsan Xisbullah.
Isra’il waxay sheegtay in sarkaalka ay rumeysantahay in ay weerarka ku dushay, uu ka danbeeyay weerar gantaal oo lagu dilay 12 dhallinyaro Isra’iiliyiin ah xilli ay kubad ku ciyaarayeen tuulo ka tirsan buuraha Golan ee ay Israa'iil heysato.
Duqeynti shalay lagu beegsaday caasimadda Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo dumar ah iyo labo caruur ah iyadoo ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof.
Xisbullah wali ma aysan xaqiijin dilka abaanduulaha, waxana weerarkaasi uu ku soo beegmayaa, xilli ay sii kordheyso colaadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Isra’il.
Sarkaal u hadlay Isra’il ayaa sheegay, in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Fu’ad Shukur, oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada Xisbullah.
Milateriga Israa’iil waxay kaloo sheegeen, in Shukr uu ahaa kaaliyaha ugu muhiimsan ee xoghayaha guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah iyo lataliyihiisa dhinaca howlgallada.