YALI: Shirweynaha 'hoggaamiyayaasha da'da yar ee Afrika' oo ka furmay Washington

Ugbaad Hashi/YALI

Waxaa magaaladan Washington ka furmay shirweynaha hindisaha hoggaamiyayaasha Afrika ee da'da yar (YALI), kaas oo lagu soo casumay in ka badan 700 dhalinyaro ah oo laga kala keenay guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhalinyaradan ayaa muddo lix toddobaad ah oo ay joogeen guud ahaan dalkan Maraykanka waxay jaamacadaha Maraykanka ku qaateen koorsooyin kala duwan oo isugu jira ganacsiga, maamulka dawliga ah, iwm.

Shirweynaha ka socda magaalada Washington ayaa dhalinyarada lagu casumay waxay fursad u heli doonaan, inay isku bartaan, sidoo kale wada-sheekaysi dhexmaro iyaga iyo qaar ka mida hoggaamiyayaasha dalkan Maraykanka oo ay ku jiraan xubno ka socda dawladda Maraykanka, shirkadaha gaarka ah iyo ururada bulshadu.

Barnaamijkan ayaa haatan u dabaaldegaya, toban guuradiisii, waxaana tan iyo markii la yagleelay ee sannadkii 2014, lagu casumay in ka badan 6,500 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimi 49 dal oo ku yaalla wadamada saxaraha ka hooseeya.