Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada lagu dilay dalka Iiraan, sida ay sheegeen ururka Xamaas iyo xukuumadda Tehran, iyaga oo Israa'iil ugu hanjabay inay uga aargudi doonaan tallaabada ay qaadeen, arrintan ayaa dabka ku sii shidaysa xiisadda sii holcaysa ee gobolka bariga dhexe.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ay ka fuliyeen caasimada Lubnaan ee Beirut inay ku bartilmaameedsadeen taliye sare oo ka tirsan ururka Hezbullah, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu masuul ka ahaa, weerar dhinaca cirka ah oo lagu qaaday buuraha Golan ee ku yaalla dhulka ay Israa'iil haysato.
Warbixin ay VOA qortay waxaa innoosoo koobaya Ibraahin Xasan Daanduray.
Your browser doesn’t support HTML5
Lataliyihii hore ee amniga qaranka ee Israa’iil ayaa VOA u sheegay in Xisbullah iyo Xamaas inay soo foodsaartay xaalad adag, oo ay kaga aargoosanayaan Israa'iil, ka dib dilalkii ka kala dhacay Beirut iyo Tehran.
Michel Lipin ayaa warbixintan qoray, waxaana nala socidsiineysa Caasha Ibrahim Aden
Your browser doesn’t support HTML5