Golaha wasiirada ee Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta ansixiyey laba xeer oo kala duwan, xeerka doorashooyinka ee Soomaaliya iyo weliba xeerka ururada iyo axsaabta.
Xeerarkan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada ee Soomaaliya, ayaa noqonaya kan hagi doona hannaanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya.
Xeerka doorashooyinka ee uu ansixiyey golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay, sidii loo qaban lahaa doorashooyinka qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Xeerarkan oo u baahan ansixinta golaha baarlamaanka, ayaa haddii ay sidan ku dhaqan galaan, waxay dalka ka rari doonaan, nidaamkii hore ee doorashooyinka ee ku salaysnaa, doorashooyinka dadban, iyada oo loo guuri doono, nidaamka doorashada tooska ah ee qofka iyo codka.