Biden oo rumeysan in xabbad-joojin ka dhacdo Gaza ay baajin karto weerarka laga baqayo in Iran ku qaaddo Isra'il

Election 2024 Biden Trump Taxes

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan gala Gaza, uu Iran ka baajin karo inay weerarto Israa’iil.

Iran ayaa wacad ku martay in ay Isra’il ku qaadi doonto weerar aargoosi, kaddib dilki magaalada Tehran loogu geystay hogaamiyihii Xamaas, Ismacil Haniyeh.

Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Iran ay ku gacan seeyrtay baaqyada reer galbeedka ee ahaa in ay "iska deeyso hanjabaadeeda aargoosiga.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo xulafadeeda ayaa Israa’iil ku eedeeyay dilka Ismaaciil Haniyeh 31-kii bishii July mar uu booqasho ku tagay Tehran, dhaarinta madaxweynaha Iran Masoud Peze-shkian oo ay Israa'iil ka hadlin
Mareykanka ayaa ciidamo iyo agab millatari oo xoojin a u diray Bariga Dhexe.

Waxaa sidoo kale ay xiisad ka taagan tahay qeybo kale oo ka mid ah gobolka, sida Lubnan, Suuriya iyo Yemen oo kooxaha mintidka ahi ay u hanjabeen Isra’il.