Tim Walz oo si rasmi ah u aqbalay xilka madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Dimoqraadiga

Democratic National Convention (DNC) in Chicago

CHICAGO - Badhasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa xalay si rasmi ah u aqbalay magcaabista xisbigiisa ee jagada madaxweyne ku xigeenka Maraykanka. Tim Walz ayaa hadal ka jeediyey shirweynaha xisbigiisa ee ka socda magaalada Chicago, isaga oo u mahadceliyey ergadii ka soo qaybgashay shirkan, wuxuuna ku tilmaamay inay farxad ku soo kordhiyeen ololaha doorashada.

"Dhammaan waxaan halkan u joognaa caawa hal sabab oo qurux badan, taasoo ah inaan jecelnahay dalkan," ayuu yidhi Tim Walz isaga oo la hadlayey kumaan ergo ah oo ruxayey calamo iyo astaamo kale oo ay taageero ugu muujinayaan.

Walz waxa uu ka sheekeeyay waayihiisii nolosha iyo shaqooyinkii kala duwanaa ee uu soo qabtay, sida macalinimada, inuu soo noqday tababare kubbadeed, iyo shaqooyin kale oo badan. Tim Walz ayaa uga mahadceliyey ergada shirka timi inay ololaha ku soo kordhiyeen farxad iyo nashaad cusub.

Dad badan oo Maraykan ah ayaan weligood maqal Walz, ka hor intii aanay Kamala Harris u xulan inuu noqdo musharaxa ku xigeenka u noqonaya, hase ahaatee markii uu ololaha ku soo biirayba, wuxuu si weyn u soo jiitay taageerayaasha, taasoo keentay inuu si weyn u kaabo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo u ordaysa inay noqoto madaxweynaha bedeli doona Joe Biden.