Maxay Kamala Harris kaga hadli doontaa khudbaddeeda?

USA-ELECTION/HARRIS

CHICAGO - Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa goor dhow hadal ka jeedin doonta shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, iyada oo si rasmi ah u aqbali doonta magcaabista xisbigeeda ee ah inay noqoto musharaxa rasmiga ah ee jagada madaxweynaha.

Khudbadda ay ka jeedinayso shirweynaha ayaa la filayaa inay ku qaadaa dhigto barnaamijkeeda siyaasiga ah. Khudbaddan ay jeedinayso ayaa ku soo aadaysa, bil ka dib markii uu madaxweyne Biden ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka isla markaana taageeray Harris, xilligaas oo ay bilawday ololeheeda.

Waxay khudbadeeda u adeegsan doontaa in ay ka sheekeyso nolosheeda iyo sidii ay u soo barbaartay iyo weliba waayo aragnimadeeda hoggaamineed.

Harris, madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ee u sharaxan jagada madaxweynuhu waxay iftiimin doontaa taariikhdeeda xeer-ilaaliye iyo shaqooyonkii ay soo qabatay, iyada oo la jaanqaadaysa istiraatijiyadda Dimuqraadiga ee hoosta ka xariiqaysa mawduuca "ilaaliye vs. dembiilaha".

Hadafka xisbiga dimoqraadiga ayaa ah inay muujiyaan sawir la isku barbardhigayo, Harris oo ahayd xeer ilaaliye iyo Trump oo ah mushraxa ay loollamayaan oo dacwado badan lagusoo oogay.