Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ayaa is-bartay shacabka Mareykanka, iyo sida ay uga duwan tahay musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ka dib khudbad ay ku aqbashay magacaabista ay ergada xisbigu u doorteen in ay noqoto musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada 2024-ka.
“Anigoo ku hadlaya magaca qof kasta oo sheekadiisa lagu qori karo oo keliya qaranka ugu weyn Dunida, waxaan aqbalayaa magacaabistiina musharraxa madaxweynaha Maraykanka,” ayay Harris u sheegtay ergada xisbiga Dimuqraadiga ee Shirweynihii ku sugnaa.
“Siyaalo badan, Donald Trump waa nin aan dhab ahayn. Laakiin cawaaqibka ka dhalan kara in Donald Trump uu dib ugu noqdo Aqalka Cad waa mid aad u daran,” ayay Harris ku tiri khudbaddeeda.
Habeenkii u danbeeyay ee Shiweynaha xisbiga Dimuqraadiga oo ka dhacay Xarunta United United Center ee magaalada Chicago ayaa ahaa mid si weyn loo wada sugayay khudbadda ugu danbeysa ee Harris.
Harris ayaa u soo baxday musharraxa Dimuqraadiga bil ka hor markii Madaxweyne Joe Biden oo 81 jir ah uu isaga haray tartanka.
Haddii ay ku guulaysato, waxa ay sameyn doontaa taariikh iyadoo noqoneysa haweenaydii ugu horreysay ee loo doorto madaxweynaha Maraykanka.
Haddaba, arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Maxamuud Muuse Xasan oo loo yaqaan BBC, oo ka mid ah ergada xisbiga Dimuqraadiga ee ka qaybagalay shirweynaha Dimuqraadiga.
Your browser doesn’t support HTML5