Jabuuti —
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia u soo bandhigtay hindise cusub oo xalin kara baahida ay Ethiopia u qabto helista marin biyood, laguna xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka.
Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Ethiopia ay ka hesho deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.
Maxamud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dekedda ay u yaboohayaan Ethiopia ay tahay mid ganacsi oo aaney ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Ethiopia ay ka soo jawaabto.
Wariyaha VOA-da Haaruun Macruuf ayuu u waramay.
Your browser doesn’t support HTML5