Turkiga oo maraakiib dagaal u diraya Soomaaliya

Sida ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa qorsheyneysa in ay xeebaha Soomaaliya u dirto markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda, si ay u ilaaliyaan markab ka shaqeeya howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta oo lagu wado in bisha soo socota uu gaaro biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga, in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Haddaba, wariyaha VOA-da Maxamed Bashir Cabdiraxman ayaa faah-faahin arrintan ku saabsan ka wareystay Axmed Cabdullahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha ammaanka Geeska Africa.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso.m4a