Xizbullah oo wacad ku martay inay ka aargudato Israel

Your browser doesn’t support HTML5

Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacada maanta ah wacad ku maray inuu ka aargoosan doono Israa'iil, kadib markii boqolaal qalabka fariimaha ee Pager-ka loo yaqaano oo ururka Xisbullaah iyo dadka reer Lubnaan ay adeegsadaan la qarxiyey, ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.