Biden oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Daahir Carab

Madaxweyne Biden iyo Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Maraykanka Danjire Daahir Xasan Carab.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Maraykanka Danjire Daahir Xasan Carab.

Danjire Carab oo ay VOA-da wareystay ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, islamarkaana uu uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani'aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

Danjire Carab wuxuu u warramay wariyaha VOA-da, Sahra Cabdi Axmed.

Your browser doesn’t support HTML5

Biden oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Daahir Carab