Wararkii ugu dambeeyey shirka Villa Somalia

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta galay maalintiisii labaad. Shirkan waxaa ka maqan madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana sida la sheegay madaxdu ay ka doodayaan arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.