Maareeyaha Garoonka Muqdisho oo ka hadlay hakinta duulimaadyada Kenya Airways

  • Falastin Iman

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go'aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisey duulimaadyadii ay ku tagi jirtey magaalada Muqdisho.

Qoraal ay shirkaddu soo saartey ayey ku sheegtey in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah. Qoraalkan ayey ku sheegtey in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradooddu ku tagi jirtey magaalada Muqdisho.

Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrintan ka wareysatey Maareeyaha guud ee Garoonka Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi, ugu horreyna waxa ay weydiisay waxa ay kala socdaan howl joojinta Kenya Airways.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde