Israel oo duqaysay deegaan ay ku badan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan

Sida ay xaqiijisay Hay’adda Laanqeerta Cas ee Lubnaan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen Isniinti guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnaan.

Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi.

Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xizbullah. Xizbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnaan.

Ma jirto wax faah-faahin ah oo weerarkaasi ku saabsan oo kasoo baxay Israel.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xizbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israel ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro.

Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Israel, tan iyo marki ay milatariga Israel billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnaan.

Waxaa faah-faahinaya Daandurey.

Your browser doesn’t support HTML5

Israel oo duqaysay deegaan ay ku badan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan