Lubnaan: Israel oo duqeyn cirka ah ku dishay 27 qof

Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Israel ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnaan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.

Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.

Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Israel ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Lubnaan bishi hore.

Weerarka ayay saraakiishu sheegeen in lagu 16 qof laguna dhaawacay 50 kale. Wali ma aysan ka hadlin ciidanka Israel duqeyntaasi.

Laakin, milatariga Israel waxay sheegeen in weerar cirka ahaa oo ay Talaaddi ku garaaceen degmada Qana ay rabeen in ay ku khaarijiyaan abaanduule ka tirsan Xizbullah. Weerarkaas ayaa lagu dilay ilaa 15 qof Talaadadi.