Sidee u socotaa cod-bixinta xilliga hore ee doorashada Mareykanka?

Malaayiin Mareykan ah ayaa 5-ta bisha November ee foodda nagu soo heysa u dareeri doona goobaha ay yaallaan sanaadiiqda codadka ee doorashada madaxtinimada.

Maalintaas waxaa hadda ka hartay 14 maalin, hase ahaatee, waxaa gobollada qaar bishi September ka billowday cod-bixinta xilliga hore oo ah in qofki rabo uu hadda sii hormarsan karo codkiisa, ka hor maalinta weyn ee 5-ta November.

Waxaa sidoo kale gobollada qaar ay dadku billaabeen in ay codkooda ku diraan boostada qaranka.

Haddaba, sida ay u socoto codbixinta xilliga hore ayuu Cabdulqadir Samakab ka wareystay, Xaashi Shafi oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, kana mid ah hoggaamiyaasha Jaaliyadda Soomaalida gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Sidee u socotaa cod-bixinta xilliga hore ee doorashada Mareykanka?