Saxafiyad qurba-joog aheyd oo lagu dilay beer ay ku laheyd Afgooye

Marxuun Amuun Cabdullahi

WASHINGTON—Amun Cabdullahi, oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo tobnaan sano ku nooleyd dalka Sweden, balse sannadihi u danbeeyay dalka daganeyd ayaa todobaadkaan lagu dilay beer ay ku laheyd meel u dhaw degmada Afgooye.

Sida aan wararka ku helnay, laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd. Wali lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka danbeysay.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa innoo heysa Sahra Cabdi Axmed.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso.m4a