Nairobi —
Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa ka qeyb-galay aas shalay magaalada Nairobi loogu sameeyay, hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh ay habar-yar u tahay oo todobaadkaan si xun loogu dilay magaalada Nairobi.
Booliska Kenya ayaa sheegay, in ay wali wadaan baaritaanka dilka foosha xun ee lagula kacay Waris Daa’uud iyo gabadheeda Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd oo ay habar yar u aheyd.
Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray, Yasin Cise Wardhere.
Your browser doesn’t support HTML5