Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday mushaar kordhinta ciidanka

Baarlamaanka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahaan ka doodaya miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka soo socda ee 2025-ka.

Qodobbada muhiimka ah ee laga dooday waxaa kamid ah in mushaarka loo kordhiyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, kaasoo ay soo jeediyeen xildhibaanno taliyeyaal kasoo nqoday qaar ka mid ah hey'adaha ciidamada Soomaaliya.

Haddaba, Falastiin Axmed Iman, ayaa khadka telefonka kula xiriirtay taliyahii hore ee Booliska Soomaaliya Genereal Bashiir America, taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Col. Yaasiin Fareey iyo taliyahii hore Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Ciirow.

Saddexdaasi nin ayaa dhammaan hadda xubno ka wada ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Baarlamaanka.m4a