Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixyay codsi kaga yimid madaxweyne Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ahaa in muddo bil ah ay sii shaqeeyaan, si ay dowladda ugala shaqeeyaan howlo uu sheegay in ay muhiim u yihiin dalka. Xildhibaannada ayaa fasax geli lahaa 6 bishan November. Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle. Your browser doesn’t support HTML5
|