Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee loo yaqaanno B-52 bombers ayaa Sabtidi shalay gaaray Bariga Dhexe, maalin kaddib marki ay Washington ku dhawaaqday in qalabkaasi milltari ay direyso, tallaabadan oo ah digniin ku socota Iran.
Bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka millatariga qeybtiisa Bariga Dhexe iyo hareerihiisa ayaa lagu sheegay, in diyaaradahan bambooyinka xambaara ay gaareen saldhigga loogu tala galay.
Waxay kasoo kicitimeen saldhiga ciidanka cirka Mareykanka ee Minot ee gobolka North Dakota.
Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay inuu u dirayo Bariga Dhexe, diyaaradaha wax duqeeya, kuwa dagaalka iyo kuwa xambaara booyadaha iyo hubka burburriya gantaallada.
Afhayeen u hadlay xarunta Pentagon-ka ee gaashaandhiga Mareykanka, Major General Pat Ryder ayaa sheegay in Washington ay qaadi doonto tallaabo walba oo lagama maarmaan ah oo ay ku difaaceyso dadkeeda, haddii Iran iyo kooxaha ay taageerto isku dayaan in bartilmaameedsadaan shakhsiyaad ama danaha Mareykanka ee gobolka.
Beirut —