Maalin ayaa ka hartay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024

Maanta oo Isniin ah ayaa ka hartay, maalinta ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan 2024-ka, oo ah Talaadada berrito ah oo ay bisha November ku beegan tahay 5.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya madaxweyne ku xigeenka xilligan ee Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris, oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuri ah. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda America.

Haddaba, saacadaha ugu danbeeyay ee ololaha doorashada iyo halka la kala marayo ayaan ka wareystay, Xashi Shafi oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, kana mid ah hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso.m4a