Maxay ka dhigan tahay in Jamhuuriga ay la wareegeen maamulka Senate-ka?

Xisbiga Jamhuuriga ayaa Arbacadii ku guuleystay maamulka Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasi oo ah guul weyn oo siin doonta madaxweynaha la doortay Donald Trump agab muhiim ah oo uu ku meel marin karo ajandihiisa sharciyeed.

Jamhuuriyiinta ayaa markii ugu dambeysay maamulay labada aqal ee Congress-ka labadii sano ee ugu horeysay ee muddo xileedkii hore ee Trump uu madaxweynaha ahaa ee 2017.

Weriyaha Koongareeska ee VOA Katherine Gypson ayaa warbixintan diyaarisay, waxaa soo jeedinaya Ahmed Ali Sheikh.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxay ka dhigan tahay in Jamhuuriga ay la wareegeen maamulka Senate-ka?