Muddo sanad ah waxaa ka socda Bariga Dhexe dagaal ka dhashey markii 7-dii bishi October ay Xamaas weerartey Israel, taasi oo bedelkeeda Israel qaadey dagaal dad badan galaaftey iyo duqeymo ilaa maanta ka socdo Gaza iyo Lubnaan.
Madaxweynaha Mareykanka ee la doortey Donald Trump ayaa intii uu wadey ololihiisa doorashada sheegay in Bariga Dhexe xaaladdiisa iyo dagaalka Ukraine labadaba ay waxbadan iska bedeli doonaan oo uu nabadeyn doono.
Sahra Cabdi Axmed ayaa arrimahan ka wareysatay Faarax Aw-Mahmuud Maxamed oo ah qoraa iyo falanqeeye ka faaloodo arimaha siyaasadda.
Your browser doesn’t support HTML5