Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda dalka Haiti ayaa Isniintii si ku-meel gaar ah u xirmay, kaddib marki ay koox shufto ah oo aad u hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, xilli ay caga dhiganeysay garoonka.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo maamulka shirkadda leh diyaaradda Spirit Airlines ayaa xaqiijiyay weeraka lagu qaaday diyaaradda, kaas oo ka dhacay gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Port-Au-Prince.
Diyaaradda ayaa kasoo amba baxday magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida kuna sii jeedday Port-Au-Prince. Waxaa la xaqiijiyay in dhowr xabbadood ay ka dhex duseen diyaaradda isla markaana ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaar ka mid ah rakaabka.
Diyaaradda ayaa marki danbe ku degtay Jasiiradda Dominican Republic. Kooxda burcadda ah ee weerartay ayay Safaaradda Mareykanku ku sheegtay mid lagu rabay in lagu xiro isu socodka magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Haiti Alix Didier Fils-Aime aya xalay loo dhaariyay xafiiska, kaddib marki uu baddalay Garry Connile oo xilkaasi laga eryay kaddib lix bil oo uu si kumeel gaar ah u hayay.
Haiti ayaa fowdi iyo dagaal sokeeye lugaha la galay kaddib shirqoolki lagu dilay madaxweynihi hore ee dalkaasi Jovenel Moise. Dalka ayaa waxaa intiisa badan ka taliya kooxo gangi ah oo aad u hubeysan.