Isra’il oo madaafiic ku garaacday Beyruut iyo koofurta Lubnan

Smoke rises from Beirut southern suburbs after an Israeli strike, amid the ongoing hostilities between Hezbollah and Israeli forces, as seen from Ashrafieh, Lebanon, Nov. 21, 2024.

Ciidanka Isra’il ayaa Jimcihi shalay madaafiic ku rusheeyay koofurta Lubnan iyo deegaannada ku yaalla nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Beyruut, halkaas oo la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

War Jimcihi kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan ayaa lagu sheegay, in madaafiic ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guri u dhaw isbitaalka Jaamacadda Dar Al-Amal ee gobolka Baclabak ee waqooyi-bari ee Lubnan, lagu dilay agaasimihii isbitaalka iyo lix ka mid ah kaaliyaashiisa.

Afhayeen u hadlay howlgalka Qaramada Midoobay ee Lubnan ee loo soo gaabiyo UNIFIL, ayaa sheegay in afar ka mid ah ciidamada Talyaaniga ee ka tirsan howlgalka UN-ka lagu dhaawacay laba madfac lagu dhuftay saldhiga ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee koofurta Lubnan.

Duqeymo kale oo ay ciidamada Isra’il ka geysteen laba tuulo oo ku yaalla koofurta Lubnan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

In ka badan 3,500 oo qof ayaa lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ka waddo Lubnan tan iyo sannadki hore. 200 oo ka mid ahi waxay ahaayeen kooxaha caafimaadka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.