Xiisadda DF iyo Jubaland oo ka sii dartay
Your browser doesn’t support HTML5
Xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland ayaa sii xoogeysatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, ayada oo labada dhinac ay isku jareen waaran soo qabasho. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Kenya, ayada oo xal loo raadinayo xiisadda.