Kaddib weerar lama filaan ah oo ay xoogagga mucaaridka Suuriya Jimcihi shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Suuriya ee Xaleb marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2016-ki, ayay wararku sheegayaan in ay fallaagadu qabsatay qeyo ka mid ah magaalada.
Sida ay sheegeen kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya iyo dagaalyahannada qaar, kumannaan ka mid ah maleeshiyaadka mucaaridka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa dagaal culus uu ku dhex maray Xalab, kaddib marki ay cagta soo mariyeen oo ay soo qabsadeen deegaannada u dhaw Xaleb, kuwaas oo ay gacanta ku heysay dowladda Bashar Al Asad.
Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters, dowladda Suuriya ayaa xirtay garoonka diyaaradaha ee Xaleb iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada gala.
Kooxda weerarka qaadday ee Taxriir Al Shama ee aad uga soo horjeeda maamulka Bishar Al Asad, ayaa sheegtay in ay qabsadeen ilaa bartamaha Xalab.
Waa marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 10 sano ah oo uu dagaal ka dhacayo magaalada Xalab, tan iyo marki ay ciidamada Dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka iyo Iran ay kooxaha mucaaradka ka qabsadeen sannadki 2016-ki.
Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay mid uga sii darayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe oo tan iyo sannadki hore ay dagaallo culys oo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeen.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, mucaaridka ayaa taageero ka helaya dowladda Turkiga, halka dowladda Suuriya ay taageero buuxdo ka heysato dowladda Ruushka.