200 oo qof oo lagu dilay dalka Haiti

Your browser doesn’t support HTML5

Ku dhawaad 200 oo qof ayaa lagu dilay rabshado bahalnimo ah oo toddobaadkii hore dhamaadkiisii ka dhacay caasimada Haiti, sida ay Isniinta maanta ah sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in horjooge burcad ah uu abaabulay gowraca dadka haysta diinta Voodoo.