Labada Aqal ee Koongareeska oo ansixiyay miisaaniyad oggolaaneysa in aysan shaqada dowladdu joogsan

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay meel mariyay sii wadista qarashaadka ku baxa dowladda Mareykanka illaa bisha Maarso.

Labada aqal ee Koongareeska oo Aqalka Wakiillada ay maamulo Xisbiga Jamhuuriga iyo Senatka oo uu Cisbiga Dimuqraadigu maamulo ayay ahayd inay ansixiyaan sharcigan si looga fogaado in shaqadii dowladdu ay istaagto.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu taageersan yahay sharciga oo uu saxiixi doono si uu meelmar u noqdo.

Marka uu ansixiyo, sharciga ayaa maalgelin doona dowladda illaa bisha Maarso, waxaana uu siin doonaa ilaa $ 100 bilyan oo loogu talagalay gargaarka musiibooyinka, iyadoo $ 10 bilyan la siin doono beeralayda. Sharcigan ayaan kor u qaadeynin xadka deyn qaadashada federaalka.

Codeynta oo ay 85 senator oggolaadeen halka 11 Senator ay diideen ayaa timid ka dib markii Golaha Wakiilada, laba isku day oo fashilmay ka dib, ay ansixiyeen sharciga.

Codbixintii ka dhacday Golaha ayaa waxaa taageeray 366 mudane, halka 34 ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Dhamaan mudanayaasha diiday miisaaniyadda waxay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mudanayaasha Jamhuuriga ayaa isku raacay soo jeedin cusub oo la xiriirta miisaaniyadda. Shir dheer oo ay yeesheen xildhibaannada Jamhuuriga kadib, Afhayeenka Golaha Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay in la isku afgartay qorshe cusub oo looga fogaado xirnaanshaha shaqada dowladda.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii xildhibaanada Jamhuuriga ee Kongareeska ay Khamiistii ku guul-dareysteen in ay meel mariyaan miisaaniyad uu taageerayay Madaxweyne la doortay Donald Trump.

Si miisaaniyadda loo ansixiyo oo looga fogaado xiritaanka dowladda, labada aqal ee Kongareeska – Aqalka hoose oo Jamhuuriga uu ku badan yahay iyo Aqalka Senate-ka oo Dimuqraadiyiinta maamulaan – waa inay ansixiyaan.