Mareykanka: Ka bixitaankeenna Niger Saameyn Buu ku Yeeshay Saaxil

  • Mohamed Olad

Sawir Hore-Ciidamada Mareykanka oo hortaagan gawaari dagaal oo dayuurado lagu rarayo magaalada Niamey, Niger, June 7, 2024. iyagoo u diyaar garoobaya ka bixitaanka dalkaas

Milatariga Mareykanka ayaa bishii September dhammeystiray ka bixitaankiisa dalka Niger , halkaasi oo uu Mareykanku ku lahaa laba saldhig oo xulufadiisa uu ka caawinayay la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka holwgala Gobolka Saaxil.

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Niger ayaa timid ka dib markii xubno ka tirsan militariga Niger ay 2023-kii sameeyeen Afgambi Milatari.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ka bixitaankooda uu saameyn weyn ku yeeshay dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada gobolka.

Wariyaha VOA-da ee Pentagon-ka Carla Babb ayaa warkan inoo diyaarisay. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa noo haya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Africom iyo Niger