Natanyahu oo rajo ka muujiiyay sii daynta la-haystayaasha

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu Isniintii shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa'iil ee lagu haysto Gaza.

Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda .

Netanyahu ayaa sidoo kale Isniintii sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah

Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto

Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra'il.

Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra'il ay ku heyso Gaza.

Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.