Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay Isniintii in dalkiisu uu ka qeyb qaadan doono howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay isku sii dhowaanayaan xilli ay jiraan xiisadaha Itoobiya.
“Masar waxay go’aansatay inay ku biirto howlgalkan, iyadoo ka duulaysa codsi uga yimid dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika,” ayuu Badar Abdelatty ku sheegay shir jaraa’id oo ay Isniintii si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo booqanayey Qaahira.
Xiisadda ayaa sare uga kacday Geeska Afrika ka dib markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis dhinaca badda ah la gashay maamulka Somaliland, taasi oo Muqdisho ku dhawaysay Qaahira oo ay gobolka ku loolamaan Addis-Ababa.
Hadallada Abdelatty ayaa yimid ka hor dhamaadka howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku beegan 31-ka December, kaasi oo uu beddeli doono howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Abdelatty ayaa mar kale Isniintii xaqiijiyay "madaxbanaanida Soomaaliya ee guud ahaan ciidda qaranka" wuxuuna diiday "wax kasta oo amraya ama tallaabooyin hal dhinac ah oo saameeya midnimada, madax-banaanida iyo amniga Soomaaliya".
Bishan, Turkiga ayaa fududeeyey heshiis soo afjaraya khilaafkii xumaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo muddo sannad ku dhow soo jiitamayay.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay horumarkan mid taariikhi ah, waxaana wada-hadalladan soo dhaweeyay Midowga Afrika, Washington iyo Brussels.
Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciidamada Itoobiya laga saarayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, balse waxay soo dhaweysay ka qeybgalka Masar.
Diblomaasiga sare ee Qaahira ma uusan caddeyn Isniintii heerka ay le’eg tahay ku lug lahaanshaha Masar ee howlgalka, balse wuxuu sheegay in labada dal ay ka shaqeynayaan iskaashi istiraatiiji ah.
Bishii Agoosto, Masar waxay Soomaaliya la saxiixatay heshiis iskaashi militari xilli uu Qaahira booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Bishii October, shir-madaxeed ka dhacay Asmara ayaa isugu keenay Masar, Eritrea iyo Soomaaliya isbahaysi cusub oo heer gobol ah oo loo arkay in lagu riixayo Itoobiya.
Qaahira ayaa in muddo ah waxay is-hayeen Addis Ababa, gaar ahaan sababo la xiriira biyo xireenka wayn ee Dib-u-Curashada ee Itoobiya ee ku yaalla webiga Blue Nile, kaas oo ay sheegtay in uu khatar ku yahay helitaankeeda biyaha muhiimka ah.