Xasan iyo Afwerki oo ku wada-hadlay Asmara

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kadib markii uu wada-hadallo Asmara kula yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Labada madaxweyne ayaa Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba labada dal.