Duufaan wata dabeylo qabow iyo baraf ayaa wali ka socda gobollada bariga iyo bartamaha Mareykanka, kuwaas oo intooda badan ku jira xaalad deg deg ah oo la xiriira cimmilada qabow ee aadka u daran.
Isniinti shalay, magaaladan Washington D,C waxaa ka da’ay barafki ugu xooganaa muddo sannado ah, waxaa sidoo kale la mid ahaa gobollada u dhaw sida Maryland iyo Virginia.
Gobollada ku yaalla bartmaha oo ay ka mid yihiin Kansas, Nebraska, Missouri iyo Indiana, waddooyinka waaweyn ayaa waxaa xiray baraf xoog leh halkaas oo ay ku go’doomeen boqollaal gaadiid ah.
Abukar Sheekh Rooble oo ka mid ah darawallada kaxeeya gaadiidka xammuulka ee isaga kala goosha gobollada Mareykanka, ayaa ka mid ah dadki soo maray waddooyinkaasi. Nur Hassan Nur, ayuu goor dhaweyd khadka telefoonka ugu warramay.
Your browser doesn’t support HTML5