Diyaar garowga caleema-saarka Trump oo socda

Xarunta Capitol Hill ee Washington D,C

Magaaladan Washington, D.C waxaa ka billowday diyaar garowga xafladda caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, oo ay hadda ka hareen in ka yar laba todobaad.

Munaasabadda oo dhici doonta 20-ka bishaan January ee sannadkaan 2025-ka, ayaa waxaa ka qeybgali doona madax kala duwan oo ka socota caalamka iyo kumannaan ka mid ah taageerayaashiisa.

Haddaba sidee ayay u socdaan howlaha qaban qaabada xafladda, maxaase laga filayaa maalmaha koowaad marka uu xafiiska Aqalka Cad yimaado. Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu Nuur Xassan Nuur weydiiyay, Feysal Deri oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, kuna sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Diyaar garowga caleema-saarka Trump oo socda