Ciidamada Isra’il ayaa Arbacadi shalay sii waday duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyadoo oo ay saraakiisha caafimaadku xaqiijiyeen dhimashada ku dhawaad 50 qof.
Madaafiic lagu garaacay xaafadda Sheekh Ridwaan ee magaalada Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay 20 qof. 10 ka mid ah ayaa lagu duqeeyay dhisme ka koobnaa dhowr dabaq.
Todobo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xerada qaxootiga ee Jabaaliya ee ku taalla deegaanka Deyral Balax ee bartamaha Gaza.
War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ciidankoodu ay madaafiic ku bartilmaameedsadeen iskuul ku yaalla Jabaaliya oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen Xamaas. Waxay kaloo sheegeen in ay tallaabo u qaadeen sidi ay u yareyn lahaayeen khasaaraha rayidka.
Colaadda Gaza ee 15-ka bil socota ayaa la sheegay in ay ciidamada Isra’il ku dileen ku dhawaad 50,000 oo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale magaalada Doha waxaa wali ka socda wadahadallada ay dhexdhexaadinayaan Mareykanka, Masar iyo Qatar, ee lagu rabo in xabbad joojin lagu kala dhex dhigo Xamas iyo Isra’il.
Wali heshiis rasmi ah ma aysan gaarin dhinacyada.