Buuq hareeyey heshiiska Somalia iyo Itoobiya
Your browser doesn’t support HTML5
Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loogu baaqay inay si daahfuran dadka ugu soo bandhigto heshiiskiii ay galeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ayaa si weyn u dhaliiley heshiiska.