Dagaallo culus oo maanta ka dhacay Hiiraan

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa deegganaka ee Hiiraan, oo ku suganaa deegaanka Beero Yabaal. Deegaankan waxaa shalay gacanta ku dhigay ciidamada dowladda. Dhinaca kale, diyaarado drone ah ayaa duqeyn xoog leh u gaystay Shababkii weerarka soo qaaday.