Trump oo wacad ku maray in uu dhameynayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu si kala gooni-gooni ah Arbacadii shalay khadka telefoonka kula hadlay madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskiy, kuwaas oo uu sheegay in ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xal nabadeed oo laga gaaro colaadda u dhexeysa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu saraakiisha sare ee Mareykanka ku amray bilaabidda wadahadallo ay arrintan kala galaan Ruushka iyo Ukraine, si loo dhammeeyo dagaalka ka socda Ukraine.

Wadahadalladan ayaa yimid saacado kaddib markii uu xoghayaha difaaca Mareykanka dalka Jarmalka ka sheegay in xukuumadda Kyiv ay tahay in ay ka tanaasusho himilooyinkii ay muddada dheer ku taameysay ee ah in ay ku biirto isbahaysiga milateriga ee NATO iyo in ay dib u soo ceshato dhammaan dhulkii uu Ruushka ka qabsaday.

Tani ayaa muujisay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadihii Washington ee dagaalka Ukraine.

Madaxweyne Trump wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay in uu madaxweyne Putin kula kulmi doono dalka Sacuudiga dhawaan.