Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay xalay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, khasaare loogu geystay kooxda Al-Shabaab.
Sida saraakiisha dowladda ay VOA-da u sheegeen, howlgalkaan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu Ceelbuur ka degganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada” ama booliska, oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.