Trump iyo Macron oo ku kulmay Washington

Madaxweyne Emmanuel Macron iyo Madaxweyne Trump oo ku sugan Aqalka Cad.

Madaxweyne Emmanuel Macron iyo Madaxweyne Trump oo ku sugan Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Isniintii sheegay inuu ku dhow yahay in uu heshiis la galo Ukraine iyo Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine, kaddib markii uu shalay kulan ballaaran kula qaatay Aqalka Cad madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Trump ayaa ku booriyay Yurub inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinta, hase yeeshee Paris ayaa riixeysa helitaanka dammaanad dheeri ah oo ka timaada Moscow.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa ku adkeystay rabitaankiisa ah in la gaaro heshiis lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka, kaasoo Isniintii shalay u buuxsantay sannadkii saddexaad.

Wuxuu sheegay in arrintani ay qeyb ka noqon doonto heshiis uu Mareykanka la galo Ukraine, kaas oo la xiriira macdanta muhiimka ah, islamarkaana la filayo in toddobaadka soo socda uu saxiixo madaxweynaha Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa isna Isniintii ka digay in nabaddu aysan macnaheedu ahayn "is-dhiibidda Ukraine," balse wuxuu sheegay in wadahadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ay muujiyeen horumar, inkasta oo laga cabsi qabo khilaaf ka dhex dhaca dalalka ku xeeran Badda Atlaantiga.

Wadahadallada labada hoggaamiye ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu ku baaqay nabad, xilli uu madaxda Yurub kula kulmay Kyiv.