Nin daroogo ku qariyey buruukada timaha
Your browser doesn’t support HTML5
Booliiska Colombia ayaa qabtay muwaadin u dhashay dalkaasi xilli uu isku dayayey inuu diyaarad ka raaco magaalada Cartagena, una sii jeeday magaalada Amsterdam. Ninka ayaa tin buruuko ah oo uu madaxiisa ku xirtay ku qariyey 19 kaabsal oo daroogada kookaynta ah, oo uu doonayey inuu geeyo Netherlands.