Xamaas ayaa Arbacadii shalay wareejisay maydadka afar ka mid ah la haystayaasha reer Israa’iil ee lagu hayay Gaza, taas oo ay Israa’iil ku beddeshay boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Israa’iil ayaa la wareegtay sanduuqyo ay ku jiraan maydadka afarta la hayste, sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu saacadihii hore ee Khamiistii maanta.
Xabbad-joojinta jilicsan ee gabagabada ah waxay dhaqan gashay 19-kii bishii la soo dhaafay ee Janaayo, inkastoo dib u dhacyo badan ay ku yimaadeen. Laakiin wejiga koowaad ayaa lagu wadaa inuu dhammaado toddobaadkan.
Weli lama oga halka uu ku dambeyn doono wejiga labaad ee xabbad-joojinta, kaasoo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka. Xamaas ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan helin wax soo jeedin ah.
Israa’iil ayaa Sabtidii diiday in ay sii deyso maxaabiis, kaddib markii Xamaas xaflad ay soo agaasintay ay ku wareejisay lix la hayste. Xafladda oo si masraxiyad leh loo sameeyay ayaa ka careysiisay Israa’iil.
Xamaas ayaa dadka Gaza hortooda ku soo bandhigtay la haystayaal nool iyo kuwa dhintay oo meydadkooda lagu soo ridey sanduuqyo.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lagu wado in la sii daayo ayaa waxaa ku jira 445 rag ah, 24 dumar ah iyo carruur aan qaangaar ahayn oo lagu xiray Gaza.
Sidoo kale, waxaa jira 151 maxbuus oo xabsi daa’in ku xukuman, kuwaasoo loo heysto weerarro dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Israa’iil, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Xamaas.